Fursad soo martay madaxweyne cabdiqasim waxay lamid tahay tan soo martay madaxweyne Paul kagama.

Madaxweyne cabiqasim kadib burburki somalia waxa so martay fursad dahabi ah oo uu Soomaaliya dib isugu keeni karoh kana shaqeen karoh wada heshiisiinta bulshada isdulmisay weliba heshiis dhab ah sida uu sameeyey madaxweynaha Rwanda 🇷🇼 oo kale.

Fursadii soo martay Paul kagama ee eheed shacbiyad islayey qaab qabiileed cuqdad isu hayey ayuu unoqday madaxweyne, wxu kashaqeyey in xooga saaro dib uheeshiinta qoysaska dibaatada isu geeystay si laabtooda ay isu furnaad, 

Blse nasiib wanag kanshadii wuu kafa,ideystay maanta yadadiilada iyo quruxda kamuqato dalka Rwanda geesigaas ayaa usabab ah alle kasokoow.

Hadaba cabdiqasim salad isla xalkaas ayuu kasoo kordhacay in uu madaxweyne unoqdo shacbiyad islaayey oo isdulmiyey, cuqdad isku haayo, caqabadaas oo ay fududaan laheed hdu Mari lahaa wadadi Paul kagama, maxa yelay xilgaas mjirin kala qoqobka awoodaha kala duwan ee maanta mushkalad inagu heyso, 

dumuqradi majirin, koox diimed mjirin, lanland wax ladhaho haba shegin keliya qaba,ilo isdilay iyo kuwo ladulmiyey ayey ku koobneed dhibta jirtay marka xalkuna aad buu sahlanaa marka loo eeego xalka maanta sida dalka uu yahay.

Malinka madaxweyne cabdiqasim dalka kaso degay oo uu caasimada yimid sida loo soo dhaweeyey oo la isku soo baxay mamaleen kartid, 

Arinkaas oo usabab ah in dadka ayka dhex arkayeen dowlad iney udhalatay kadiba 10 sano oo rabshad ah, xamaasada dadka aad beey usareysay oo qof gurigiisa laga soo bxiiyey mjirin ilaa qofwalba si iskiisa ayuu usoo baxay taasoo uwacan dowlad jaceelka bulshadu ay uqabeen xiligaas.

blse nasiib xumo rajadii ay filayeen shacabka iyo yadadiladii usawirneed wey noqon weyday taasoo sababtay niyad jab kudhacay bulshada, 

niyad jabkaas ilaa maanta bulshada wey daremayaan mana laqiyaasi karoh goorta saxda ah ee dhabada toosan ee mustaqablka qurxon leh lagu dhicin doono iyo xiliga Soomaaliya ay kudanbeyn doonto quwadii Afrika ay mar ahaan jirtay. Blse qadara allahu masha,a facal.


Nasiibka halmar ayuu albaadka kuuso garacaa aan maqli jiray.


Waabillahi towfiiq.

Post a Comment

Please Select Embedded Mode To Show The Comment System.*

Previous Post Next Post